Daacish oo Ajaaniib Ka Afduubtay Alshabaab Gacantana Kaga Dhigay Hub iyo Gaadiid Dagaal.

Puntlandnews.net (Muqdisho)-Ururka Al Shabaab ayaa waxay hadda wadaan baadi goobka Ajaanib la sheegay in laga afduubtay oo dhankooda ka bar bar dagaalamayey.

Dadka deegaanka waxay sheegeen inaysan faah faahin badan bixin karin balse ay xaqiijinayaan keliya jiritaanka xiisada taagan.
Afduubka ayaa ka dhacay Degmada Bu’aale Ee Caasimada

ubbada Dhexe,ilaa Afar Katirsan Ajaanibtaas ayaana la sheegay inay Si layaab leh ugu dhaceen goob ay joogeen kadibna ay qafaasheen Daacish.

Mid ka mid ah Ragga Ajaanibta Ee la afduubtay ayaa udhashay Waddanka Sudan,waxaana xiisada udhaxeysa Shabaab iyo Daacish ay ka dhigeysaa mid sii cakirmeysa.

Waxaa la arkayey Dagaalyahno katirsan Shabaab oo Hub culus wata islamarkaana raadinayey Ajaanibtaas la qafaashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.