DAAWO SAWIRRADA-Ciidanka Puntland oo Howlgallo Ka Sameeyey Buuraleeyda Bari Soona Qaqabtay Xubno Daacish Katirsa.

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay maanta 11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga #Gaaca,#Guban iyo #Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso.

Mudadii uu socdey howlgalkaasi waxaa ciidamada PSF ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaad doonayey inay ku biiraan kooxda Daaciish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas.

Ciidanka Amniga Puntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqayaan in ay ciidanka ammaanka la wadaagaan wixii xog iyo macluumaad cadow ah,si Puntland looga sifeeyo kooxaha cadowga ah ee Daacish iyo Al Shabaab.

SAWIRRO

Post Comment