Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa lafilayaa inuu si rasmi ah u magacaabo golihiisa cusub ee wasiirada xilli ay gaba-gabo marayaan maalmihii loogu kordhiyey mudada magacaabistu.
Aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyey kajirey mashquul aad u culus oo ku aadan dhammaystirka xukuumadda iyo saxiixiddeeda oo aad loo wada sugayo.
Dhinacyada ay qusayso ayaa lagu soo waramayaa inay isku afgarteen dhammaan xubnaha, waxaana hadda socota wargelinta wasiirada cusub oo aqbalaaddooda kadib lagu dhawaaqi doono.