DEG DEG-Xiisad Siyaasadeed oo Saaka Ka Aloosan Caasimadda & Beelo Wasiiro Loo Diidey oo Ciidankooda Durba..

Puntlanndews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee ay saaka helayso shabakadda wararka ee Puntlandnews ayaa sheegaya in xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay magaalada Jowhar ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Hirshabeelle Soomaaliya.

Kulamo kala duwan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka socda Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabeelle ayaa Risaala u sheegay in Madaxda sare ee maamulka Hirshabeelle ay sameeyeen Musuq maasuq baahsan, islamarkaana waddo qaldan ay mariyeen Mushaaraadkii loogu tala galay.

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay madaxweyne Waare ayaa iscasilay, waxaana ay sheegeen in aysan u qalmin xilka loo Magacaabay oo ah mid hooseeya, waxaana ka mid ah Wasiir dowlayaal.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan ka hortagay Mooshin ay ka waddeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabeelle..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.