DHEGAYSO-Ardaydii Reer Muqdisho ee Garoowe Timid oo Gaartey Xeebaha Fog ee Puntland Maxayse Lakulmeen.

Ardayda jaamacadaha PSU iyo SIMAD oo maalmahan Garowe ku sugaa ayaa gaaray Degmada Taariikhiga ah ee Eyl iyagoo u baxay Safar loogu magac daray dalxiis iyo dal barasho , Ardayada Safarka loo diray ee la dalxiisinayo ee ka socotay Jaamacadda Simad ayaa waxaa Puntland ku soo dhaweeyay oo qaabilay Maamulka iyo Ardayada Jaamacadda PSU.

Safarka Ardayadaasi ay hadda ku Jooga Eyl ee dalbarashada iyo dalxiiska waxaa nooga waramay Gudoomiyayaasha Ardayada 2 Jaamacadood Axmed Siciid Naxar oo ka tirsan Jaamacadda PSU iyo Sakariya Axmed cumar gudoomiyaha Ardayada Jaamacadda SIMAD.

HOOS KA DHEGAYSO RADIO GAROWE

One thought on “DHEGAYSO-Ardaydii Reer Muqdisho ee Garoowe Timid oo Gaartey Xeebaha Fog ee Puntland Maxayse Lakulmeen.

  1. ASC.
    Ardayda ka timid xamar oo timid dhulka puntlaan waxay yimaadeen meel ka mida dalkooda oo dadka reer puntlaan bay noola mid yahiin.Laakiin kuwa reer puntlaan ee taga xamar waa la qalaa oo la cadaabaa oo an wax xumaato ah loola harin.wakhtigii Xassan Shiikh baa waxaa xamar shaqo u doonatay gabar reer puntlaan ah oo jaamacad soo dhammaysay.Dhawr maalmood bay tagtay madaxtooyo ku sheega beesha usc ee xamar.Waxayna doonaysey nin madax ah oo ay qaraabo yahiin.Maalinkii dambe baa gabadhii askari ku yiri naa maxaad maalinkastaba noogu timaadaa.Midhaa horay ugu tiri shaqo doon baan ahay.Waxuu ku yiri halkaanu ma aha puntlaan ee waa xamar oo gabadhii xabad ooda looga qaaday.Ilaahay (swt) awoodiisa xabbaddii daanka bay ka martay oo ay xoogaa ka jeexday.Calaa kulli xaal dhulka u xukumo maamulka puntlaan waa dhul soomaaliweeyn.

    Reply

Post Comment