Fanaan Caan ah oo Meydkiisa Laga Helay Gudaha Magaalada Hargaysa iyo Xog Ku Saabsan.

Puntlanndews.net (Hargaysa)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa geerida Alle ha u naxariistee Al-fanaan Mustafe Oomar oo ka mid ahaa fanaaniinta da’yar ee ku nool magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Meydka Allaha u naxariistee Mustafe Oomar ayaa waxaa laga dhex helay gaarigii uu watey oo yaal gudaha magaalada Hargaysa, waxaana xilligaan la sheegay in meydkiisa lagu baarayo isbitalka guud ee magaalada Hargaysa.

Mustafe Oomar wuxuu ka mid ahaa fanaaniinta caanka ka ah fanka soomaaliyeed ee waayo-dan danbe isagoo inta badan ku luuqeyn jiray heesaha danbe kuwooda jacaylka ah.

Post Comment