Puntlandnews.net (Garoowe)-Aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah loogu dhaariyey xubnaha cusub ee golaha wasiirada dowladda Puntland ee magacaaban.
Dhaarinta kadib golaha cusub ee xukuumadda ayaa madaxweynuhu horgeyn doonaa barlamaanka Puntland isagoona jeedin doona sida dastuuriga ah khudbad uu kaga codsanayo inay codka kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub.
Barlamaanka dowladda Puntland ayaa soo jeedinta madaxweynaha kadib waxaa looga fadhiyaa inay codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda cusub, waxaana kalsooni siintu ay noqon doontaa mid wada guud ah kadib markii ay dhowaan ansixiyeen in xukuumadda aan shaqsi shaqsi codka kalsoonida loogu qaadin haseyeeshee laysku qaado.
Go’aanka barlamaanka ayaa fursadweyn u ah madaxtooyada Puntland oo ay caqabad ku noqon lahayd haddii dib loogu soo celiyo xubno katirsan xukuumadda cusub ee magacaaban maanta la dhaariyey.
Madaxtooyada ayaa hadda qabta kalsooni ballaaran oo xukuumaddu ay ku gudbi karto maadaama marka la fiiriyo xaaladda ay Puntland ku sugan tahay iyo baahida loo qabo xukuumad ay fursad u siinayso in barlamaanku ay kalsoonida siiyaan.
Waa haduu barlaman ka jiro Puntland waa in lasoo celiya loona sheega in hal jufo wada qaadankarin madaxweyne, wasiirka maaliyada iyo wasiirka kale. Waa in runta loo sheega. Qaabi badan baa hal wasiir xataa helig. Maxamuduud saleemana 5-6 wasiir bay isku qaateen. Yaabk yaabkiisa.
baarlamaanka puntland waxan ugu baaqaya inay kalsoonida siiyan golaha wasiirada siloo sabata bixiyo puntland oomaanta m
PUNTLAND maanta marxalad adag ayay kujirta mida kale danta qabiilka waxa kamuhim san danta guud
madax weyne deni wax ugub ah masamayn hadday dhacday indadka qaar anay wasiro kuyelan hasaburan ha arkan wacyiga
geeljire Hooyadeen anaawasa