TOP SECRET-Wasiiro Ka Socda Muqdisho oo Lakulmay Madax Katirsan Somaliland iyo Qodobo Laysla Meel Dhigay.

Puntlandnews.net (Muqdisho)-Wasiiro ka socda xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan la qaatay siyaasiyiin iyo xubno xilal kala duwan ka haya maamulka sheegay inuu ka goostay Soomaaliya inteeda kale ee Somaliland.

Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan hogaanka ugu sareeya xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI iyo wasiir ka beeraha beeraha ee dawlada federaalka ee soomaaliya ayaa ku kulmay dalka turkiga.

Wasiirka beeraha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid oo la kulmay Prof. Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa yidhi; “Siyaasiga Prof. Ismaaciil Buubaa waa khabiir, Siyaasi iyo Aqoonyahan, waxaan ku wada-qaxweynay dalka Turkiga maanta, wuxuu iiga sheekeeyay waayihiiisii iyo wuxuu usoo joogay”.

Lama oga arrimaha dhabta ah ee labadan masuul ka hadleen laakin warar hoose oo Karin News heshay ayaa shegay inay ka wada hadleen arrimo dhawr ah oo quseeya danta labada dal ee somaliland iyo somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.