VIDEO-Alshabaab oo Ka Hadashay Shirkii Shidaalka ee London Kuna Hanjabtay Inaan Dalka Laga Dhaqan Gelin karin.

Sheekh Cali dheere oo cod laga soo duubay ayaa waxa uu ka lahadlay shirka shidaalka Soomaaliya ee London wuxuuna sheegay in shirkaasi yahay mid lagu doonayo in lagu dhaco dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed.

Waxaan ognahay in la qorshaynayo shir ladoonayo in lagu xaraasho shidaalka Soomaaliyeed uu ka dhaco magaalada London waxaan leenahay wax walba oo kasoo baxa shirkaas waa xaaraan mana suurtageli doonto in hagardaamadaas laga dhaqan geliyo dhulka Soomaaliyeed, kuwa gaalada ah ee usoo hanqaltaagay qorshahaas boobka shidaalka soomaaliyeed ah uma suurtagelayo’ayuu yidhi Sheekh Cali dheere.

DAAWO

3 Comments

  1. Al-Shabaab inta ay ku dhawaaqayaan shir la qabtay, waxa ka soo bixi doona ayaa xaaraan ah, ma isweydiiyeen in ay xaaraan iyo dambiba tahay ummad weynta Somaaliyeed; baadda, hanjabaadda iyo hurdo iyo har u diidka aad ku haysaan?

  2. Al shabaab ayaan Xaraan ka hadlaysa. Waar dhiigii UMMADDA SOMALIEED BAAD XALAASHATEEN EE WAR kale ma HAYSAAN.

  3. Farmaajo oo futadiisa gaalada uu kala furay iyo xoolaha tageera Farmaajo-Futo-Kalafure kuligood Somalia waa laga saarayaa.

    Somalia RAGG dalkooda iyo diintooda difaacanaya ayaa jooga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.