VIDEO-Shacabka Kunool Garoowe oo Durba Ka Falceliyey Golaha Wasiirada Puntland.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa habeenimadii xalay ahayd soo saaray liiska golaha cusub ee xukuumadda Puntland oo ka kooban 48 xubnood isla markaana shan xubnood ka yar xukuumaddii hore oo 53 xubnood ka koobnayd

Bulshada kunool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxa ay aragtiyo kala duwan ka muujiyeen golaha wasiirada ee uu habeenimadii xalay soo magacaabay madaxweynaha Puntland.

Qaar kamid ah shacabka kunool Garoowe ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan xukuumadda cusub oo ay tilmaameen inay kujiraan shaqsiyaad badan oo bulshada dhexdeeda magac kuleh.

Qaar kale ayaa sheegay in xukuumaddu aysan waxbadan ka duwanayn dowladdii hore, haseyeeshee loo baahan yahay in xukuumadda cusub ay shacabku fursad siiyaan si ay wax qabad ula timaaddo.

DAAWO-Wasiirada Cusub ee uu Madaxweyne Denni Magacaabay iyo Gobolada ay Ka Soo Jeedaan.

One thought on “VIDEO-Shacabka Kunool Garoowe oo Durba Ka Falceliyey Golaha Wasiirada Puntland.

  1. Xubnaha la magacaabay tayo ahaan heerkii la rabey ma aha marka la fiiriyo aqoontooda iyo khibradoodaba waxayna u badan yihiin asxaab iyo kuwo habqabiil ku yimi marka madaxweynaha waxaa laga rabaa inuu laxisaabtamo xubnahaas hadii kale waxqabadkiisu wuxuu noqonayaa hal bacaad lagu lisay. Madaxweynaha hadii waxqabad daacad ka yahay ha magacaabo agaasimeyaal aqoon iyo khibrad fiican leh.

    Reply

Post Comment