WAR CUSUB-Ciidankii Ugu Badnaa oo u Badan Kuwa Badda ayaa Saaka Buux Dhaafiyey Xeebta Magaalada..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya Puntlandnews ayaa sheegaya in ciidamo aad u qalabaysan isla markaana u badan kuwa badda ay saaka heegan buuxa kujiraan si ay uga qayb qaataan xuska dhismihii ciidamada badda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse  ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.

“Waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 54aad ee Ciidanka badda” ayuu yiri Sarreeye Gaas Daahir Aadan  Cilmi Indhaqarshe

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kli.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.