WAR DEG DEG AH-Golihii Wasiirada Dowladda Puntland oo Lagu Dhawaaqayo iyo Warbaahinta Oo Hadda..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa lafilayaa inuu galabta ama fiidnimada hore ee caawa si rasmi ah ugu dhawaaqo golaha cusub wasiirada.

Warfidiyeenka ka howlgala magaalada Garoowe ayaa kujira heegankii ugu dambeeyey ee tebinta wararka la xiriira magacaabista xukuumadda cusub ee Puntland waxaana hadda miiska saaran golaha wasiirada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa la sheegay inuu saxiixay wasiirada kadib markii laga heshiiyey xubno wasiirada ka soo geli lahaa gobolka Sool oo ay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku kala aragti duwanaayeen.

Golaha cusub ee wasiirada dowladda Puntland ayaa waxaa lafilayaa inay ka koobnaadaan 35 ilaa 36 xubnood oo noqon doono kuwii ugu yaraa ee soo maraya dowladda Puntland muddooyinkaan.

4 thoughts on “WAR DEG DEG AH-Golihii Wasiirada Dowladda Puntland oo Lagu Dhawaaqayo iyo Warbaahinta Oo Hadda..

  1. Madaxweyne Deni ha ka ilaalsho xukumadiis argagaxisada ICTISAAM. Puntland shanta sano soo socdo ICTISAAM waa laga saarahaya Puntland sida madaxweyne Deni ballanqaaday marka madaxweyne aha.

    Reply
  2. Madaxwenaha Puntland Dr.Saciid Abdullahi Danni.hadu Xukumadisa ku so Daro Wadada puntland,waxay Dawladisu u’ekanaysa,waxii lagu Xaman jiray,sida Damal jadiid & Alsheikh,waxad xususata Sadiiq Eenow & Cali Xaaji wasrsame,in aay xilalkodi kuwayeen,Besha Calanku waxay Dr.Gaas ku caadadiyen in uu 2 nin xilalka ka tuuro.

    Reply

Post Comment