WAR DEG DEG AH:Warbaahinta Oo Hada Looga Yeeray Madaxtooyada & Wasiiradii Oo Lagu Dhawaaqayo

Wararkii ugu dambeeyey ee hada aan helayno ayaa sheegaya in madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe looga yeeray warbaahinta qaybaheeda kala duwan isla markaasna xiligani lagu dhawaaqi doono liiska gollaha wasiirada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa ugu dambeyntii waxa uu soo magacaabay wasiiro tira ahaan gaaraya ilaa 18 wasiir iyo ku xigeenadooda, waxaana goor dhow warbaahinta loo soo bandhigi doonaa wasiiradaasi iyo magacyadooda.

Madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa saacidihii ugu dambeeyey wada lahaa kulamo iyo shirar wada tashi ah oo ku aadan magacaabista wasiirada Puntland oo hada lagu dhawaaqi doono.

Goor dhow faah faahinta naga filo

Post Comment