XOG+VIDEO-Maxaa Kajira In Ciidamada PMPF iyo PSF Puntland ay Aysan Dowladda Ka Amar Qaadan.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Siihayaha wasiirka wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa dhowaan sheegay in ciidamada PMPF iyo PSF aysan si rasmi ah uga amar qaadan dowladda Puntland.

DAAWO

Taliyayaasha ciidamada PMPF iyo PSF Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay beeniyeen warka wasiirka ee ku saabsan inaysan ciidanku ka amar qaadan dowladda Puntland.

“Waxaan doonayaa inaan idiin cadeeyo in ciidamada amniga ee Puntland ku sugan ay yihiin hal ciidan magacyada hakala duwanaadaan lkn dhamaan ciidamada waxay leeyihiin xiriir shaqo iyo hal talis”, ayuu yiri taliyaha ciidanka badda Puntland oo beeniyey hadalka wasiirka.

DAAWO

 

Post Comment