BREAKING NEWS-Meydad Yaala Jiidaha Hore iyo Hub Durba Lakala Qabsaday Kadib Dagaal Kooban oo Ka Dhacay..

Puntlandnews.net (Badhan)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu xilligaan helayno ayaa sheegaya in dhaawacyo iyo meydad ay yaalaan jiidaha hore isla markaana ciidamada difaacu ay gacanta ku dhigeen hub iyo agab kale oo ciidan.

Ciidanka difaaca Kenya ee KDF ayaa sheegay in ay dileen Saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab mid kalena ay nolosha ku qabteen, markii uu Labada dhinac dagaal ku dhex maray degaanka Buulo-Xaaji oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Af-hayeen u hadlay Ciidanka difaaca Kenya oo lagu Magacaabo , Col; Paul Njuguna, ayaa sheegay in ay sidoo kale dagaalkaasi ay ku qabsadeen Laba Qori oo AK47 ah, mid Diiradle ah, Saanad Ciidan iyo qalab kale.

Af-hayeenka Ciidanka Kenya, Col; Paul Njuguna, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in ay sii wadi doonaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu soo celinayo nabad gelyada Soomaaliya.

Horraantii Bisha January  ee Sanadkan ayay ahayd markii ay Ciidanka Difaaca Kenya ay dileen Todoba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, tira intaa ka badanna ay ku dhaawaceen markii ay howl-gal ka fuliyeen qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.