DAAWO-Ciidanka Somaliland oo Gudaha u Galay Puntland, Ciidamo Ku Baxay iyo Xiisad Ka Taagan Gudaha..

Puntlandnews.net (Badhan)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay fariisimo ka samaysteen deegaamo hoosyimaada degmada Yubbe ee gobolkaasi.

Cutubyo katirsan ciidamada Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay degeen duleedka degmada Yubbe, halkaasi oo ay goob aan ka dheerayn ku sugan yihiin ciidanka Daraawiishta Puntland.

Saraakiil katirsan ciidamada maamulka Somaliland ayaa kormeer ku tegey qaar kamid ah saldhigyada ciidamada maamulka Somaliland, waxaana ay sheegeen inay aad isha ugu hayaan ammaanka xuduudka Somaliland sida ay sheegeen.

DAAWO MUUQAAL.

Dhinaca kalena, taliska ciidanka Puntland ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo katirsan kuwa Somaliland oo qabsday dhul Puntland leedahay haseyeeshee ay jiraan ciidamo ay soo dhoobtay xuduudka Puntland ay kala leedahay degmada Ceeri-gaabo.

Taliyaha ciidanka magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan Sicid Cali Cumar oo la hadlayay warbahinta gudaha ayaa sheegay inay waxkama jiran tahay in somalilaland ay howlgallo ka fulisay deegano hoostaga dagmadda Dhahar ee gobolka Sanaag.

Gaashaanle sare Siciid Cali Cumar oo hadalkisa sii wata ayaa soo hadalqaday inay jiraan ciidamo tabacsan Somaliland oo soo garay Suulka Ceeri-gaabo balse aysan samayn wax dhaq-dhaqaaq ciidana oo ay ka sameeyeen gobolkaasi.

Dhinaca kalena, taliyaha ciidanka booliska degmada Dhahar ee gobolka Haylaan ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan deegaamadaasi ay kujiraan heegan buuxa isla markaana ay u diyaarsan yihiin inay kahortagaan dhaqdhaqaaq kasta oo Somaliland damacsan tahay.

DHEGAYSO

1 Comment

  1. Walee Somali Horay u Tidhi “Ragi waxay walaal KU dhaamaan ma leh Gobalkan PUTILAND Waxa weeye Fitnada Meesha ay ka bilàaabmato Somaliland Mudo dheer ayey ka meeraysanayeen in dhiig SOMALI ah KU daadto Has ahaatee haday Garan waayeen wanaaga iyo Nabadgalyo in lagu wada boolaado oo ay qalalaaso cadaawad kula dhaqanto walaalahooda jaarka la ah Waxa ka Go’an Somaliland inaany marnaba raali ka Noqonayn cidii Xuduudkooda iyo Xorninadooda iyo Nabadooda cidii ay u aragto inay ka danbeeyaan Cidna Uma daba fadhiisan doonto ee GACAN ADAG ayey KU Soo afjari Doonaan waxaanay GARANAYAA dhibaatayn uu Dagaalku keeno se Waxaan u malaynayaa Gobalkan PUTILAND inay Waxa iskaga khaldan yihiin oo ah Dawlada baanu Nahay iyo FEDERALKA Ayaan ka mid Ahay Waxaanse kula talinlahaa Ninkii Tiisaba Dar yeelaa tu kale KU faree inay aayaha dadkooda it umada koonfur Somaliyeed ay ka taliyaan siday u walaalayn lahaayeen una Heli lahaayeen Xal wax KU oolah Ama IYAGOO AWAR RARANI DABA MARAAYO SAACADU HA KAGA XUMAATO XAASIDNIMADUNA XAASIDNIMADUNA WAA LAFDHABARKA DIB U SOCODNUMADA MARKAA DAGAAL NINA KA FAAIIDI MAAYO EE HA KU QAADO FEDERALKA DHULKA UU XAQ U KEEYAHAY SOOMAALINA KAA AQBALI MAYSO KISMAAYONA WAXAAD LEEDIHIIN Somalibaan Nahay GAALKACAYO na Isir baanu u LEENAHAY ayaad marsiinaysaan laakiin SOMALILAND WAA DHUL ISIRNA KAMA SHAQEEYO DOODUNA WAY FURAN TAHAY WA BILAAHI TAWFIIQ

Leave a Reply

Your email address will not be published.