DAAWO-Waftigii Puntland oo U Dhaqdhaaqay Yubbe iyo Jiidaha Hore & Somaliland oo Ka Walaacsan.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wafti ballaaran oo ka socda xukuumadda Puntland, saraakiil ciidan iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa lafilaaya inay maanta booqdaan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag iyo deegaamo hoosyimaada.

Waftigaan oo saacadihii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa lafilayaa inay gaaraan fariisimada cusub ee ciidanka Puntland ay ka samaysteen duleedka degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Dhinaca kalena, waftigu waxa ay lakulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada kunool degmada Yubbe iyo tuulooyinka hoosyimaada si ay uga xog waraystaan xaaladdooda iyo sidii ay ciidamada u soo dhowayn lahaayeen.

Waftigaan oo shalay gaarey magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo qayabaha kale ee bulshada kunool magaalada Badhan si ay uga xog waraystaan xaaladaha soo kordhay.

HOOS KA DAAWO

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.