DEG DEG-Jawiga oo Saaka Duwan iyo Ciidanka Puntland oo Gacanta Ku Haya Dhammaan Fariisimadii..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka warbaahinta Puntlandnews ayaa sheegaya in xaaladda goobihii lagu dagaalamay ee duleedka magaalada Galkacyo ay degan yihiin.

Boosaskii ay shalay ku dagaalameen labada malayshiya beeleed ayaa waxaa xilligaan ku sugan ciidamo katirsan kuwa ammaanka Puntland oo lakala dhex dhigay labadaasi dhinac si loo qaboojiyo.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka magaalada Galkacyo iyo maamulka gobolka Mudug ayaa dedaal dheeraad ah ugu jira sidii loo soo afmeeri lahaa xiisaddaasi, waxaana lagu wadaa in labada dhinac miiska wada xaajoodka laysugu keeno.

Inta la xaqiijiyey 6 ruux oo kamid ah dhinacyadii dagaalamay ayaa la sheegay inay ku dhinteen halka in ka badana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen dagaal laba malayshiya beeleed ku dhexmaray duleedka magaalada Gallkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.