DEG DEG-Xaaladda oo Faraha Ka Baxday Xilli Muuse Biixi Maqanyahay iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii oo Booqasho Ugu Baxay..

Puntlandnews.net (Hargeysa)-Madaxwayne ku-xigeenka somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici ayaa booqasho ugu tegay Xaaji Cabdiwaraabe oo maalmahan xaaladdiisa caafimaad ay aad u daran tahay, siweynna looga soo dayrinayey.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa ducada Waraabe ay saa’id uga socotaa baraha kala duwan ee bulshadu ku xiriirto waxaana dadka qaar dowladda ku dhaliilayaan inay ka gaabisay wax ka qabashada xaaladdiisa caafimaad.

Xaaji Cabdi kariim waraabe oo ahaa tiir aad u adag oo bulshada iyo dawladda somaliland ba ay ku xasuusato waxyaabo badan ayaa iminka yaala dhakhtar ku yaala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliyeed ee Somaliland.

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa Waraabe laga waayey golaha guurtida oo uu door weyn ku lahaa, bahda Karin News waxay ugu duceynaysaa xaaji cabdi kariim waraabe inuu alle caafimaad taam ah siiyo isla markaana uu ka kiciyo xanuunka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.