DHEGAYSO-Caaisho Ilyaas Aabeheed oo Diidey Inuu Gorgortan iyo Mag Qabiil Ka Qaato Kuwii Diley Gabadhiisa.

24-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Feebaraayo magaalada Gaalkacyo waxaa ka dhacay fal aad u foolxun oo abuuray amakaag iyo anfariir bulsho, kaddib markii kufsi wadareed iyo dil naf goyn ah loo geystay gabar yar oo carruur ah, da’deeduna ahayd 12 jir, taasoo lagu magacaabi jiray Caasho Ilyaas Aadan.

Meel aan ka fogayn gurigooda oo Gaalkacyo ku yaalla ayaa xilli subax ah laga kaxaystay, waxaana la helay 24 saac kaddib iyadoo meyd ah, ayna ka muuqdaan haaro-nabareed iyo falxumooyin kale oo la aaminsanyahay in ay yihiin kuwa sababay dhimashadeeda.

Caa’isha Ilyaas falka gurracan ee loo geystay waxaa loo qabtay dhawr qof oo la aaminsanyahay in ay yihiin kuwii ku luglahaa dilkeeda iyo dambigeeda kufsi ee sida wadareed u dhacay, hase ahaatee weli ma jirto wax xog ah oo dawladda iyo laamaheeda dambi-baaristu ka soo bandhigeen dhacdaasi.

Ilyaas Aadan Maxamed waa aabbaha dhalay Caa’isha, wareysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir ayuu ka hadlay arrimo badan oo la xiriir dhacdaasi, waxaana uu sheegay dawladda in ay u xaqiijisay kiiskaasi in loo hayo afar qof, laguna helay caddaymo ku filan.

Ilyaas Aadan waxaa kale oo uu Daljir u sheegay falka dilka iyo kufsiga iskugu jira ee loo geystay gabadhiisa marna in uusan waanwaan iyo wadahal toona ka galaynin, balse uu ku qanci karo oo kaliya caddaaladda iyo shareecada islaamka.

Cabdifataax Cumar Geeddi oo wareystay Ilyaas Aadan, aabaha Caa’isha, wuxuu marka hore waydiiyey xogta ehel ahaan ay hayaan, kuna aaddan falkaasi iyo cidda lo ohayo.

DHEGAYSO CODKA

3 Comments

  1. Ceebta iyo calool xanuunka, qofkasta oo Somalia ayey qabsatay, caasha inooma soo noqonayso, waxaa maanta xilinkara waaridkeed, Caasha waalikeed waxaan ku waanin lahaa, oo puntland ku waanin lahaa anoon cidna ka aqoon,in xaal, magdhay laga bixiyo, oo arintaan foosha loo dadaalo , oo dil aan dilkale lagu xilin, in loo soo hoydo Caasha waa lidkeed.
    Caasha waalikeed hadiidin Xaal iyo mag haddii lagaa siiyo Casha,
    Shacabka puntland wuu xasuusan,arintaan , waa Arin loo gaystay shacabka, puntland, caasha waalidkeed adaa gacanta ku haya arrin lama filaan ah, haddii xaal iyo mag laydin siiyo, isku daya inaad xilisaan arintaan, idinku hadaad haystaan ama taqaaniin wixiin dilka foosha xun idiin gaystay, anigu mahayo waxii dilka foosha xun iigaystay

  2. ASC.
    KU:Cirsan.
    Qofka la baxay Cirsaan waxuu ka taliyey talo muhiima.Laakiin waxaa meesha ku jira dhawr arimood oo anan si u daayeen nimankii afduubay Caasha oo haddana kufsaday oo misna dilay oo naftiiba ka qaaday.Waa dambiyo badan oo wada mudan cinqaab TOOGASHO.Haddii uu wiil yar oo Caysha le’eg uu Caysha fara xumeeyo waa wax laga wada xaajoon karo.Laakiin niman waa weeyn oo la yiri qaar baa xaasas leh in ay Caasha isugu dareen afduub,kufsi iyo dil ma aha wax ay odayaal ka xaajoonayaan ee waa in nimankaas la marsiiyaa waxay ka qabto Diinteena xaqaanigaa.

    • 71.26-27 quran:

      Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.

      Maxaayeelay Hadaad kaga tagto
      waxay Dhumin Addomahaaga,
      mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.