DHEGAYSO-Wararkii Ugu Dambeeyey ee Sanaag, Ciidankii Somaliland oo Fariisimo Qabsaday, Waddooyin Xiran & Puntland oo Gaadhey.

Puntlandnews.net (Badhan)-Xiisadda u dhexaysa maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa cirka isku sii shareeraysa xilli maamulka Hargaysa uu ciidamo aad u badan ku soo daabulayo deegaamo katirsan bariga gobolka Sanaag.

Kadib markii ciidamada Somaliland dhowaan soo degeen hareeraha degmada Yubbe ayaa maanta waxa ay goosteen wadada dhanka Ceerigaabo ka aadda degamda Hadaaftimo iyagoona halkaasi ka samaystay fariisimo waaweyn.

Ciidanka Somaliland ayaa soo celiyey dadkii shacabka ahaa ee doonayey inay u kala safraan magaalooyinka Ceerigaabo iyo Hadaaftimo waxaana ay u sheegeen inay raacaan Somaliland haddii kale ay go’doon gelin doonaan shacabkaasi.

Shacabka kunool degamda Hadaaftimo ayaa sameeyey mudaharaad ay kaga soo horjeedaan ciidanka Somaliland waxaana ay sheegeen inaysan raacsanayn Soomaalid diidka waxaana ay ugu baaqeen inay ka dulqaadeen ciidanka la soo dhoobay deegaamadaasi.

HOOS KA DHEGAYSO

Xubno katirsan golaha wasiirada dowladda Puntland ayaa gaarey degmada Hadaaftimo waxaana ay sheegeen in Puntland aysan u dulqaadan doonin ciidamada Somaliland ku soo daabulayso Hadaaftimo iyo Yubbe.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sanaag ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in lagu baajiyo colaadda ka soo cusboonaatay gobolkaasi waxaana taasi u muuqataa mid aan suuragal noqon doonin maadaama ciidanka Somaliland soo guureen saaka.

AKHRISO WARBIXINTA

XOG CUSUB-Isimada Warsangeli oo Ku Howlan Ku Hagoogashada Dagaal Dhexmara Puntland & Somaliland Lana Kulmay Ciidanka Yubbe Jooga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.