DHEGAYSO-Xaaladda Hadaaftimo oo Kacsan iyo Somaliland oo Soo Duldhigtay 70 Tignikada Dagaalka ah & Waddooyin Xiran+Rasaas Dhacaysa.

Degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa waxaa weli ka socda banaan bax xoogan oo looga soo hor jeedo ciidamada maamulka Somaliland oo la sheegay in gaadiid dagaal oo gaadhaya 72 Tikniko ah ay ku qabsadeen deegaankaasi.

Shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in ay la dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland isla markaasna rasaas xoogan ayaa waxaa lagu furay dadka banaan baxayey oo ku dhawaaqayey erayo lidi ku ah ciidamada Somaliland.

Gaadiidka dad weynaha iyo shacab badan oo safar ahaan ayaa dib loogu celiyey magaalada Hadaaftimo, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Xiisad culus ayaa maanta laga dareemayaa deegaanka Hadaaftimo, waxaana xaaladu u muuqataa mid sii adkaanaysa hadii ay kusii sugnaadaan deegaanka Hadaaftimo ciidamada maamulka Somaliland.

DHEGAYSO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.