Haweenkii iyo Carruurtii Ku Sugnaa Hadaaftimo oo Somaliland Ka Cabsi Qaba Madaxweyne Dennina Ka Dalbaday Ciidan.

Puntlandnews.net (Hadaaftimo)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in cabsi xoogan ay soo food saartay shacabka kunool degmadaasi.

Shacabka reer Hadaaftimo oo u badan haween, carruur, dhalinyaro iyo odayaal ayaa aad uga cabsi qaba ciidamada Somaliland oo fariisimo ka soo samaystay deegaamo aan ka dheerayn degmadaasi isla markaana ku hanjabay inay go’doomin doonaan.

Qaar kamid ah shacabka kunool degmadaasi oo saaka la hadlay Puntlandnews ayaa sheegay inay aad uga cabsi qabaan dhibaato kaga timaamada ciidanka Somaliland oo ugu hanjabay haddii aysan soo raacin inay dhibaatayn doonaan.

Waxa ay sheegeen inaysan jirin ciidamo ay isku halayn karaan oo hadda ka difaaci kara Somaliland maadaama aysan soo gaarin ciidankii Puntland ee gobolka Sanaag soo gaarey maalmihii ugu dambeeyey, waxaana ay ka codsadeen madaxweyne Denni inuu amro ciidanka.

Taliska hogaaminaya ciidamada maamulka Somaliland ayaa amar ku bixiyey in dhammaan gaadiidkii shacabka ee kusii jeedey dhanka Ceerigaabo lagu soo celiyo magaalada Hadaaftimo si aysan ugu gudbin dhinaca xuduudka Somaliland.

Dadka Reer Hadaaftimo  ayaa waxaa Somaliland ku Rikaataysay inay raacaan Somaliland haddii kale ay gelin doonaan go’doonkii ugu cuslaa iyo cunaqabatayn aysanna awood u yeelan doonin inay helaan cunto ama ay u socdaalaan deegaamada kale.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.