Madaxweyne Denni oo Caawa Ka Baaqday Carmo Kuna Hoydey Carmo oo uu U Balanqaaday Inuu..

Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa weli kujira safar uu kaga kicitimay magaalada Garoowe kuna marayo deegaamo katirsan gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari ee Puntland.

Siciid Cabdullaahi Denni ayaa ka dhabeeyey balanqaadkii uu u sameeyey shacabka magaalada Carmo kadib markii uu caawa ku hoydey magaaladaasi, xilli uu waqtigiisii Ololaha u balanqaaday inuu u soo noqon doono seexanna doono isagoo madaxweyne ah.

Madaxweynaha ayaa galabtay si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Carmo, waxaana uu kulamo la yeelanayaa bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ka wada hadlayaan baahiyaha ay qabaan iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dawladda.

Ammaanka guud ee magaalada Boosaaso ayaa siweyn loo adkeeyey xilli lafilayo in maalinnimada berri ah lagu soo dhoweeyo madaxweynaha Puntland iyo waftiga uu hogaaminayo.

Buuraha Cal-miskaad iyo Caalmadow ee ku teedsan magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku dhuumaalaysanaya rag katirsan Alshabaab iyo Daacish oo marar badan ciidanka Puntland dagaal lagaleen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.