Sawirro-War Hadda Naga Soo Gaarey Garoowe iyo Masuuliyiintii Ugu Badnaa oo Ku..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa goor dhoweyd ka bilaabatay munaasabad ballaaran oo kulmisay xubno katirsan goalayaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Munaasabadda oo lagu daahfurayo kal-fadhiga 26aad ee golaha deegaanka degmada Garoowe waxaa sidoo kale sugan xildhibaanada golaha deegaanka degmada Garoowe oo muddoo kooban jirey.

Mudada xafladdu socoto waxaa lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii golaha deegaanka degmada Garoowe, qorsha howleedka dowladda hoose ee bilaha soo socda iyo xaaladda guud ee caasimadda.

Waxaa khudbado ka jeedin doona duqa degmada Garoowe, isimada gobolka Nugaal, xubno katirsan golayaasha dowladda iyo marti sharafta kale ee lagu casuumey xafladda ka socota magaalada Garoowe.

SAWIRRO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.