VIDEO-Ciidanka Somaliland oo Ku Hanjabay In Haddii Reer Sanaag Aysan Raacin Somaliland ay Go’doon iyo Cunaqabatayn Gelin Doona.

Puntlandnews.net (Hadaaftimo)-Ciidamada maamulka Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay gudaha u galeen deegaamo horleh oo katirsan Puntland gaar ahaan agaarka degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaagh.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka ka soo ruuqaansaday dhanka degmada Yubbe oo ay dhowaan fariisimo ka samaysteen waxaana xilligaan ciidanka Somaliland ay xirteen waddooyinkii soo gelayey degmada Hadaaftimo si ay u go’doomiyaan.

Taliska hogaaminaya ciidamada maamulka Somaliland ayaa amar ku bixiyey in dhammaan gaadiidkii shacabka ee kusii jeedey dhanka Ceerigaabo lagu soo celiyo magaalada Hadaaftimo si aysan ugu gudbin dhinaca xuduudka Somaliland.

Dadka Reer Hadaaftimo  ayaa waxaa Somaliland ku Rikaataysay inay raacaan Somaliland haddii kale ay gelin doonaan go’doonkii ugu cuslaa iyo cunaqabatayn aysanna awood u yeelan doonin inay helaan cunto ama ay u socdaalaan deegaamada kale.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.