VIDEO-Ciidanka Somaliland oo Qabsaday Degmo Puntland Kamid ah Midkalena Qarka u Saaran iyo Maamulkii Puntland u Joogey oo Hadda Hadlay.

Puntlandnews.net (Hadaaftimo)-Ciidamada maamulka Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay gudaha u galeen deegaamo horleh oo katirsan Puntland gaar ahaan agaarka degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaagh.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka ka soo ruuqaansaday dhanka degmada Yubbe oo ay dhowaan fariisimo ka samaysteen waxaana xilligaan ciidanka Somaliland ay xirteen waddooyinkii soo gelayey degmada Hadaaftimo si ay u go’doomiyaan.

Gudoomiyaha degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Somaliland ay dhowaan qabsadeen degmada Yubbe ee gobolka Sanaag haddana ay ku soo jeedaan dhanka degmada Hadaaftimo.

Waxa uu sheegay in bulshada kunool Yubbe iyo Hadaaftimo aysan raali ka ahayn joogitaanka ciidanka Somaliland ee deegaamadaasi isla markaana ay sii wada doonaan mudaharaadka looga soo horjeedo ciidankaasi.

HOOS KA DAAWO MUUQAAL

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.