VIDEO-Gudoomiye DHEDO,”Reer Bariyow Orda Reer Garoowe iyo Faroole Ku Dayda Haddii Kale Waa Laydinka Faanayaa”.

Puntlandnews.net (Boosaaso)-Maamulka gobolka Bari ayaa si adag uga hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Boosaaso, gaabiska dhanka shacabka ah ee kuyimid magaaladaasi iyo waxyaabaha looga baahan yahay bushlada gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (DHEDO) oo khudbad ka jeedinayey xaflad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka iyo horumarka magaalada Boosaaso ay dayeceen bulshada gobolka Bari u dhalatay ee kunool Boosaaso.

DHEDO wuxuu sheegay in dadka hantiilayaasha ah ee magaalada Boosaaso lagu kari la’ayahay inay dhistaan dhulka isla markaana ay raali kayihiin dayaca dhanka bilicda ah ee magaalada Boosaaso iyagoo taasi bedelkeeda danaynaya Sandaqad ama Buush uu sheegay inay kiro yar ka qaataan.

Mar uu ka hadlayey ammaanka magaalada wuxuu tusaale u soo qaatay habka shacabka kunool magaalada Garoowe uga shaqeeyaan ammaanka gaar ahaan sidii ay gacanta ugu dhigeen ninkii diley Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, halka Boosaaso masaajid laga buuxo lagu diley Suldaan Bashiir Koonte iyagoo aysan shacabku wax isku day ah ka samayn.

Dhinaca kalena, Dhedo ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo dad kale oo reer Garoowe ah ay muujiyeen waddaniyad shaqo fiicanna ka qabteen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halka kii Boosaaso oo ka horreeyeyna uu ka dambeeyo xilligaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.