VIDEO-Shacabka Yubbe oo Banaan Baxyo Xoogan Ka Dhigay Ciidamada La Soo Duldhoobay Kala Doortayna Puntland iyo Somaliland.

Puntlandnews.net (BADHAN)-Degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan bax looga soo horjeedo ciidamada maamulka Somaliland soo dhoobay hareeraha degmadaasi oo maalmihii ugu dambeeyey xiisadi ka taagnayd.

Banaan baxaani oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee shacabka kunool magaalada Yubbe ayaa waxaa looga soo horjeedey ciidankii Somaliland soo dhoobtay duleedka magaaladaasi iyo hadalada ka soo yeeraya Hargeysa.

Qaybihii kala duwanaa ee dadkii ka qaybgalay banaan baxa ayaa dareenkooda ku muujiyey sida ay uga xun yihiin ciidankaasi waxaana ay ugu baaqeen madaxda maamulka Somaliland inaysan colaad ka hurin gobolka Sanaag ayna ciidankooda kala baxaan gobolkaasi.

Waxa ay sheegeen in shacabka Yubbe ay yihiin dad Soomaaliyeed isla markaana katirsan Puntland waxaana ay tilmaameen in wixii cawaaqib xumo kayimaada ay masuul ka noqon doonaan madaxda Somaliland oo doonaya inay xoog ku maamulaan deegaamadaasi.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.