Waftigii Puntland oo Galabta Badhan Kula Kulansan Waxgaradka Sanaag, Ciidamo Gudbey & Puntland oo Tallaabo Laga Sugayo.

Puntlandnews.net (Badhan)-Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa waxaa galabta ka socda wajigii labaad ee kulamo waftigii Puntland ee gaarey magaaladaasi ay la qaadanayaan maamulka gobolka iyo qaybaha bulshada.

Wajiga 2aad ee kulamadaan ayaa u dhexeeya maamulka gobolka Sanaag, saraakiisha ciidanka Puntland ee gobolka iyo waftigii Garoowe ka baxay oo isku oo isku dhinac ah iyo odayaasha & waxgaradka gobolka Sanaag.

Kulamadaan ayaa wararku sheegayaan in looga arrinsanayo sidii Puntland ay jawaab cad uga bixin lahayd ciidanka Somaliland ee gudaha u soo galay gobolka Sanaag, waxaana masuuliyiintu ay aragti ka dhegaysan doonaan waxgaradka gobolkaasi.

Wajigii 1aad ee kulamadaan oo ahaa kala warqaadasho ayaa u dhexeeyey waftiga iyo masuuliyiinta dowladda ugu magacaaban gobolka Sanaag, waxaana lafilayaa in masuuliyiintu ay warbaahinta kula hadlaan gudaha magaalada Badhan.

WAR DEG DEG AH-Waftigii Puntland oo Badhan Gaarey iyo Kulamo Ka Socda Hotel Ally.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.