XOG-Beesha Caalamka oo Puntland iyo Somaliland Ka Dalbaday Baajinta Colaadda Sanaag & Jawaabtii Madaxweyne Denni.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Beesha caalamka ayaa durba farriin culus u dirtay madaxda maamulada Puntland iyo Somaliland kadib markii xiisado dagaal ka soo cusboonaadeen deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag gaar ahaan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Xog hoose oo ay Puntlandnews heshay ayaa sheegaysa in wakiilada beesha caalamka, qaramada Midoobey, urur goboleedka IGAD iyo dalalka deriska ah ay farriimo lagu baajinayo dagaal ka dhaca Sanaag u soo direen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo dhiggiisa Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Beesha caalamka ayaa labada hogaamiye ka dalbatay inay joojiyaan dhaqdhaqaaqyada ka soo cusboonaaday gobolka Sanaag si looga baaqsado dagaal lamid ah kii kal hore dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa u sheegay caalamka in Puntland aysan cidna duulaanku ahayna isla markaana ay xeerinayso xasiloonimda iyo deganaanshaha gobolka haseeyeshee dhinaca Somaliland laga wado daandaansi dagaal.

Denni ayaa u caddeeyey caalamka in Puntland aysan horboodayn xiisaddaani haseyeeshee ay tahay jawaab katimid dadka rayidka ah ee kunool gobolka Sanaag oo aan raali ka ahayn ciidanka Somaliland ee soo gaarey Yubbe xilligaanna doonaya inay goobo kale isku fidiyaan.

Shacabka kunool gobolka Sanaag ayaa ka horyimid dhaqdhaqaaqyada ciidanka Somaliland ay ka bilaabeen degmada Yubbe iyo deegaamada hoosyimaadana waxaana beelaha dega gobolka sheegeen inay isdifaaci doonaan xitaa haddii Puntland ay gabto doorkeeda.

4 Comments

  1. Reer SANAAG waxaa odhan lahaa isku tashada OO PL waxba ha sugina awalba SNM qabiil baad kaga tashateen ee halkii ka wada. PL iyo sheekadeeda taa Tukaraq kaga quusta.

  2. Carurta mesha ka hadaqaysa anigu warkoda waxba ka’oran mayo,hase yeshe waxan donaya in aan ka hadlo Besha Calanka Dadka labaxay,oo somaliya Qujo Qujeya,hadad wax taqanin ama wax lasocotan hadalkinu hanoqdo mid cad oo dadka mesha isku haya wax kala dhihi kara oo waxay dhahayan muqdan oo mira dhal noqdan,Tasi wa midas,mida 2aad madaxweyne Danni waxad uhadashay si dacad ah meshana dacadnimo matalo,waxa mesha ka jirta siyasad & Ragg iska celin hadaadan taas la’imaan mesha waad ku cebobeysa,ninka aad is haysan wa nin madax adag oo haysata Cidan si lixadleh hubkoda & tababarkodu sareyo donayana melaha aad madaxxtinimada ku heshay in uu kaqado,Dadka shicibka ah oo sool & Sanaag Barri ku dhaqan waxay Racayan ninka Xooga & Xoolaha Badan hadey wayaan Cid kadifacada,Col.Muuse Bixi madaxweynaha somaliland anigu waxba kama shegayo waxanse huba in aad tahay nin go’an leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.