XOG CUSUB-Isimada Warsangeli oo Ku Howlan Ku Hagoogashada Dagaal Dhexmara Puntland & Somaliland Lana Kulmay Ciidanka Yubbe Jooga.

Puntlandnews.net (Badhan)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sanaag ayaa sheegaya inay socdaan dedaalo lagu doonayo in lagu baajiyo dagaal ciidamada Puntland iyo Somaliland ku dhexmara gobolkaasi.

Dedaaladaan nabadeed oo ay wadaan qaar kamid ah isimada dhaqanka ee gobolka Sanaag ayaa salka kuhaya sidii ciidanka Puntland iyo Somaliland ee gobolka ku sugan loogu celin lahaa fariisimadoodii hore si looga baaqsado xiisad colaadeed.

Waxgarad iyo Isimo reer Sanaag ah oo maalinimadii shalay kulamo la qaatay saraakiisha Somaliland ee ku sugan buuraha Yubbe ayaa lafilayaa inay magaalada Badhan kula kulmaan waftigii ka socdey Puntland oo qudhiisu ku wajahnaa magaalada Yubbe.

Isimada ayaa xogtu sheegaysaa inay ciidanka Somaliland ka dalbadeen inay dib ugu laabtaan saldhigyadoodii duleedka magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waxaana ay Puntland ka codsan doonaan inay Puntland ka dhaadhiciyaan inaysan wax tallaabo ah qaadin.

Lama ogada sida ay Puntland iyo Somaliland u aqbali doonaan inay ciidankooda dib ugu celiyaan fariisimadoodii hore xilli ay hawada isu marinayaan hanjabaado ku aadan maamulka gobolada Sool iyo Sanaag.

2 Comments

  1. Hhhhhhhhhh xaarweynayaal anaa jab la maagantii cigaal shidaad car reer majidhooy soo badheedha wlh inaydaan u babac dhigi karayn awooda alah sw siiyey iyo pawerka ciidamada qaranka jsl car muranle naagoodlayaashoow soo badheedha waar xuduudii Somaliand waa la soo taabanayaaye kaalaya ka celiya faan iyo tookh madhan looma baahnee

  2. waxan leyahay odayasha & wax garadka belwenta warsan gali oo kala dhexgalaya 2 Cidan oo isku horfadhiya yuube manoqonayan kuwo aad ku guleysatan in aad kala dhexgashan,cidamada somaliland waxa lasiyey amar waxana siyey Col.muuse Biixi madaxweynaha somaliland,wana nin ciidan ah nin Ciidan ah kama amarqato dad shicib ah xer jajab maqato,waxuu yaqan xalad dagaal guul ama guldaro wax uga dhexeya majiran wana mahadsan tihin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.