AKHRISO-Dowladda Puntland oo Ku Dhawaaqday In Hub iyo Gaadiid Dagaal..

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay inay mamnuuceen soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan iyo waliba Agabka kale ee Ciidamada ay isticmaalaan.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta dowladda Puntland Cabdi Samad Maxamed Gallan oo lagu tixraacayey Digreeto Madaxweyne ayaa waxaa lagu mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale dadka hubeysan ayaa lagu amray inaysan geli karin Garoomada Diyaaradaha iyo dekadda Magalada Boosaaso,hayeeshee ay la geli karaan kaliya mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland.

AKHRISO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.