AKHRISO-Heshiisyada cusub ee madaxweynaha Puntland la saxiixday Imaaraadka.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai

Kulankan oo muhiimad gaara lahaa ayaa waxaa looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai ay duulimaadyo uga samyn lahayd Garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland maadaama ay  Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalami ah.

Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna soo dhoweynayaan wada xaajoodka ku salaysan isku xirka  Puntland iyo Imaaraadka, waxaa ayna balan qaadeen in ay wakhti dhow duulimaadyadooda ka bilaabi doonaan Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa dhanka kale markuu kulanku soo idlaaday kulan la yeeshay madaxda shirkadda Fly Dubai, waxyna ka wadahadleen qaabka ugu macquulsan oo ay shirkadu wadashaqayn dhow ula yeelan lahayd Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, waxaana shirkaasi kusoo dhammaaday is afgarad.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in  Puntland ay ka go’antahay horumarinta Garoomada iyo sidii Puntland ay ula jaan-qaadi lahayd wadamada horumaray, waxaana uu shirkadda Fly Dubai uga mahadnaqay soo dhaweynta wanaagsan ee ay kula kulmeen isaga iyo waftigiisa.

6 Comments

  1. Soomaaliya waxay leedahay wasiir u qaabilsan hawada kaasoo fadhigiisu yahay caasimada umadda ooy dawlada fedraalka. Waxa layaab ah sida wasiir goboleed dawlad ajnebi ah ula saxeexan karo duulimaad ay diyaaradaha dawladaasi ku yimaadaan dalka soomaaliya ayadoo ayna dawlada fedraalku u fasixin mise waa iska jaantaa rogan oo maamul goboleedyadu waxay doonaan ayay samayn karaan?

  2. Mr.cagey.saxiib muqdisho waxay noqotay meel dagal ka socdo puntland waxay rabta horumar,ma waxad ku talinaysa somaliya oo dhan hawadavjabto?punyland waxay rabta in aay nolasheda hagakiso.muqdisho,30 kun askar Amisom ah aya xadilin weyday & kumanan Askarta somali ah.puntland askar ajanabi ah majogto.garomadeda iyo dhaqalehda uma xayirnan karan merl balayo ka higledahay.

  3. Madaxweynaha puntland Dr.Saciid Abdullahi Danni,waad ku mahadsantahay shaqada dhaqsaha badan ee aad ku tilabsanaysid oo dhanka ilaha dhaqalaha & malgashiga calamiga ah oo shacabka puntland ubahan yihin,dhanka garomada Diyaradaha & Dekadha puntland oo dhamantod kabayasha dhaqlaha puntland si hersare ah lo horumariyo.

  4. Garoomada Calamiga ah ee puntland oo lagu dhisay malayiin Dolar hadaan laga fa’edeysan maxa markii hore logaliyey dhaqalaha faraha badan,waxay ahayd in Aduunka loban dhigo si dhankasta loga fa’edeysto gar,waxa dhici donta Xukumada fadhigedu muqdisho yahay oo aay sura galtahay in aay ka hortimado horumarka puntlan ku tilabsamayso,sida laga warqabo xukumada muqdisho oo amankeda xalin weyday aydoo 30 kun oo asakari & kumanan Askarta somalida oo isku duban ucalwayen ayey hadana waxay xukumadu ku fakarta in cid talabo qada ho’istag ku samyeso dhanka dhaqalaha & horumarinta mamulgobaledyada xubnaha ka ah xukumada fadaralka shegata ee muqdisho.

  5. Waxan Donaya in aan Halkan fartiin uga Diro Dadka puntland kuwa Xilka haya & Dadka intisa kale melkasta oo aay Aduunka kajogan,Qof kasta oo Reer puntlandar ah,oo wax garanaya Ragga & Dumar Ciroole,Culimo Dadka Camada ah dhalinyarada,Ganacsatada puntland kuwa malqabeenka ah shaqalaha kala duwan Cidamada Qalabka sida Qaybohoda kala duwan Ardada Qaybeheda kala Gadisan,masulinti hore Nabadonada saladinta,& Dadka Tagera puntland somali ama dadkale oo Ajanabi ah,dhamantiin waxan idin so jedinaya in puntland talahay meel barwaqo ah oo shaqo badan,Cadowgeduna Badan yahay oo waliba ku xeran yahay oo meel fog kajirin,ummadda intas Le’eg waxa kufoleh Cadow Nocyo badan leh oo donaya in uu idin dhafyo nimcadas faraha badan oo ilahay idin siyey,waxa lo bahan yahay in uusan qofna qofkale ku halen oo lowada istago,si loga hortago kuwa sharka idin malegaya nockasta hanoqde,hadu ahan laha mid dhaqalha puntland ka curyaminaya,hadu ahan la mid siyasada ka curyaminaya,hadu ahan lah mid dhanka Amaanka ka khalkhalinaya,mid dhanka bulshada iska horkenaya hadu dhanka cafimada wax ka khaldaya waxas oo dhan haloo midobo.

  6. waxan kale oo 0gahay xukumada fadaralka somaliya in aay san rali kanoqon donin heshisyada wax ku’oolka ah oo madaxweynaha puntland heshiska kula galay masulinta Dawlada imaradaka Carbata ee aynu walalaha nahay Dariskana nahay oo Xirir sojireen & mig ganacsi oo Qoto dheer naga dhexeyo,waxad ogtihin in xukumada muqdisho in aay xirirki ujartay Dawlada imaradka Carabta iyadoo la’ogyahay waxay imaradku somaliya utarren oo yasi markhti madonto tahay,waxay Dawlada faralka muqdisho ku Aqdamatay cidwaliba wa ogtahay,in aay katalo diday mamulgobaledyada somalida,in aay xukumada muqdisho tiri mamulgobaledyda xubnaha ka ah Dawlada fadaralka somaliya in aay Cunoqabaten Duldhigtay dhamaan 5 mamulgobaled ee somaliya,& somaliland Xata oo shegatay in aay somaliya ka madax banantahay,wax masharic ah oo mamulgobaledyda Xukumada fadaralka somalida ka fulisay ama kaqaban karto majirto,waxay la rafanaysa mamulkoda guracan magalada muqdisho oo amankedu faraha ka baxay oo noqtay xabashi ummadda,markasey waxay rabta in aay xunkunto mamulo aaysan waxba utarin,tasi masocn karta? Xukumada muqdisho markay oo haysata kalmada calamiga mid mila tari & dhaqale iyo mid siyaseda markay muqdisho dajiso,hala Xajogto mamulgobaledyada somalida,inta ka horeysa xukumada muqdisho waxa loga bahan yahay in aaysan faraha laso galin mamulada dhisan oo hormarka tigsanaya sidas & salama.

Leave a Reply

Your email address will not be published.