Cabsi ka taagan Somaliland iyo diyaarado walxaha qarxa ku daadinaya Maroodi Jeex.

Guddoomiyaha Degmada Sallaxley oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex Ismaaciil Yuusuf Xuseen (Shiine), ayaa u  sheegay Warbaahinta qaar ee degaanada Somaliland in diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulayaa ay waxyaabo qarxa ku tuureen jees reer guuraa ah iyo dhul daaqsimeed ka tirsan degmada.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin Cid waxyeelo ay kasoo gaartay , laakiin dadka degaanka taasi ay Cabsi weyn ku abuurtay, waxaa uu sheegay in uu  gubtay Jabadkii ” Xeradii” reerku daganaayeen

“Diyaaraduhu waxay ka yimaadeen dhinaca koonfureed iyagoo joog hoose ku duulaya ayay waxyaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Gudoomiye Shiine.

1 Comment

  1. Mamulka somaliland mudo 30 sano ah waxay radinayen in aay Aqonsi calami ah helan oo somaliya kamada bananadan,waxa kale oo aay shaqo ka dhigeten in aay Cidamo ku so dabulan oo kuqabsadan melo kamid ah,Sool Sanaag,waxa u’ekayd in dhulkoda difacdan oo iska difacan Cadow shisheye oo usameystan Qalabka Hawada Badaha lagu ilaliyo,intay ku mashquli lahayen Dad walalohod ah oo wax dhibato ah dhex olilin,somaliland waxa ku dhici dona dhibatoyin khatar badan oo aaysan maleysanan mel aay uga imanayan,waxay ka cabanayan waxan la’aqoon aya nalaeyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published.