Ciidankii Ka Soo Baxay Jiidaha Hore oo Isku Rasaaseeyey Duleedka Caasimadda & Gaadiid La Gubey.

Gaari Cabdi bile ah oo ay leeyihiin Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu gubay Iska horimaad Kooban oo maanta dhexmaray Ciidamo Milatari ah iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay Isgoyska maanaboolyo ee magaalada Muqdisho.

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka gaari ay wateen Ciidanka Milatariga ayaa la gubay ka dib dagaal dhexmaray Booliska iyo Milatariga Soomaaliya oo ka yimid gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Milatariga ayaa yimid ka gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana loo diiday in ay maraan  Isgoyska maanaboolyo ee magaalada Muqdisho taasoo keenay dagaalka labadda dhinac.

1 Comment

  1. Askartaan xudduuddada u diray Xamar maxaa keenay. Marka mas’uul loo dhiibo ama ay faramaroojistaan koox ama qof aanan maskax iyo khibrad, caqbaddan isgoyska Maanaboolyo ka dhacday oo kale ayaa dhacaysa. Millatariga Shabeelaha Dhexe Al-Shabaab uga soo cararay, ma waxaa u sahlanaaday in ay boobaan shacabka Xamar? Dadweynaha Xamar, hurdada ka kaca oo xoriyaddiinna kala soo noqda dad ku sheegga idinka xoogay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.