DAAWO-Kooxda Tagfiirka oo shir jaraa’id ku qabatay Burtinle farriina u dirtay madaxweynaha Puntland.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wasiirka wasaaradda caddaaladda dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa dhowaan shaaca ka qaaday in xukuumaddu tallaabo ka qaadi doonto kooxda Tagfiirka ee ku soo badanaysa deegaamada Puntland.

Mudane Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay in kooxdaasi ay ku soo badanayaan Puntland aysanna dowladdu aqbali doonin inay dugsiyo quraan ama masaajiddo gaar ah ka furtaan guud ahaan deegaamada Puntland.

Dhinaca kalena, wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Tagfiirku ay ragga dumarkiisa ka qaadaan kuna daraan kuwa kale, si lamid ahna ay dadka wixii aan iyaga ahayn gaalaysiiyaan.

Halkaan ka daawo muuqaalka wasiirka

Haddaba xubno katirsan kooxda Tagfiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegay inaysan wixii hadda ka dambeeya is qarin doonin ayna ka jawaabayaan eedaymaha wasiirka.

Waxa ay sheegeen inaysan waxba ka jirin eedaymaha kaga imaanaya wasiirka aysanna dhibaato kun ahayn shacabka Puntland sida ay hadalka u dhigeen waxaana ay beeniyeen inay ragga dumarka ka furaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO

1 Comment

  1. Urur Xag jir ah, ee aduunka ka mamnuuca. oo hadana dhaaranaya,, yaa iyagaruqdsad siiyey in ay Puntland ka jiraan? ragaan hadaan hadda la qaban walaahi meel xun bey gaareysaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.