Madaxweyne Dunida Caanka ahaa oo Gacantiisa Isku Diley Maxaa Sababay?

Alan García Madaxweynihii hore ee dalka Peru ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliska ay isku dayeen in ay kasoo xiraan gurigiisa ka dib markii lagu helay  eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay.

Mr Alan García ayaa markii hore loola cararay isbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima, dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra.

Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.