VIDEO-Puntland oo Qaadacday Qorshe Xukuumadda Khayre U Afduubtay Muqdisho Shaacisayna inay Gaar u Dhisan Doonto..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqbali doonin qorshayaal ay magaalada Muqdisho ka waddo xukuumadda uu hogaanka ka yahay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre.

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay inay qorshaynayso sidii ay u dhisi lahayd iskaashatada guud ee midaysa iskaashatooyinka Puntland kadibna ay u gudbin doonto maamulada dalka si loo dhisi daladda guud ee iskaashatooyinka Soomaaliyeed.

Wasiirka deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa sheegay inaysan aqbali doonin dadka sheeganaya magaca iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee lagu dhoodhoobayo Muqdisho aysanna matalin.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEO

3 Comments

  1. ASC.
    Xamar waa horaa lagu kala guuray.Sidii loogu kala guuray baana wali loogu kala maqan yahay.Hab macquula oo lagu wada heshiiyey oo hirgalay oo shaqeeyana hadda ma jiro.Saas darteed xamar xiligaan waxba uma YEERIN KARTO PUNTLAAN.Waayo wixii lagu heshiiyaba xamar baa ku tumata oo baa’isa.Waana aflagado iyo waxaan la aqbali karin in ay xamar puntlaan la soo aado go’aama ay kaligeed gaartay.Puntlaan waxay xamar ku raacdi kartaa arimo lagu wada heshiiyey oo sidii loogu heshiiyey loo hirgaliyo.Puntlaan waa maamul gaara oo u madax banaan arimaheeda u gaarka ah.

  2. Anigoo Tixracaya hadalka wasiirka beraha puntland Dr.Ismaciil dhagaweyne ee iskashkashatada beraha puntland & ishashato muqdisho kajirta in aaysan is wafaqsanan, waa sax arinkasi,waxan kale oo kuracsanahay Mr. Atoore oo ku xojiyey rayigisa in muqdisho & puntland xirirkodu usan hagagsanan markastana muqdisho khaladku ka’imanayo,Hadaba dadka masulka ah & kuwa siyasada ee puntland waxa la gudboon in aay ayohoda katashadan oo aay san ku isku halen cid kale.

  3. Xamar dowladadhexe amarkeedu kama socdo, Dagaal ooge iyo Hogaamiye kooxeed baa ka taliya, hadaba sidee wax loola qayb sanayaa. horta iyagu ha is toosiyaan , ee maamul shaqeynaya Somali ha tusaan. waa meel la isku haysto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.