WAR DEG DEG AH-Meydadkii Ugu Badnaa oo La Geeyey Dhinaca Somaliland iyo Gaadiid..

Puntlandnews.net (Laascaanood)-Wararkii ugu dambeeyey ee ku soo dhacaya warqabadka Puntlandnews ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen shil ka dhacay deegaanka Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex.

Saddexdaan marxuun oo ka koobnaa 2 rag ah iyo saddex dumar ah ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii uu la dhacay gaari nooca Duqaanta loo yaqaan ah oo marayey dooxa Dacar Buluq.

Inkastoo aan weli la aqoonsan cidda ay yihiin dadkaasi ayaa haddana waxaa goor dhoweyd la dhigay xarun caafimaad oo kutaal deegaanka Dacar Buluq, waxaana laamaha caafimaadku sheegeen inay baarayaan xogtooda.

Lama oga halka ay ku jeedeen marxuumiintaasi iyo sababta keentay inuu shil galo gaariga ay wateen waxaase lafilayaa in laamaha ammaanka waddooyinka Somaliland ay war ka soo saaraan baaritaan kadib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.