WAR DEG DEG AH-Wafti Ku Wajahan Goobtii Lagu Diley Hogaamiyihii Daacish.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno deegaanka Xariiro ee gobolka Bari ayaa sheegaya in masuuliyiin iyo waxgarad ay booqan doonaan goobtii shalay duqayntu ka dhacday.

Maamulka deegaanka Xariiro, odayaal iyo saraakiil ayaa waxaa lafilayaa inay gaaraan goobtii ay duqayntu ka dhacday si ay uga keenaan xogo dheeraad saacado kadib markii lagu diley ku-xigeenkii hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in duqayntaasi lagu diley Cadixakiin Qodhob iyo shaqsi aan la aqoonsan oo la socdey ayna kusii jeedeen tuulada Xariiro kahor inta aan duqaynta lagu dilin ayna ku raad joogeen muddooyinkii ugu dambeeyey.

HALKAAN KA DAAWO XOGTA DILKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.