XOG CULUS-Madaxweynaha Puntland oo Ku Wajahan Nairobi iyo Shir DG uga Furmaya.

Puntlanndews.net (Garoowe)-Wararkii ugu dambeeyey ee ay heshay Puntlandnews ayaa sheegaya in madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ay shir kuyeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xogta Puntlandnews heshay ayaa sheegaysa in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu saacadaha nagu soo aadan gaari doono magaalada Nairobi, inkastoo ay wararkan ka gaabsadeen saraakiisha Madaxtooyada Puntland.

Kulankaan ayaa lafilayaa in madaxda dowlad goboleedyadu ay uga doodaan jawaabtii ay ka celin lahaayeen kulan uu ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 19ka bishan, kaas oo lafilayo in looga wada hadlo arrimaha Amniga Qaranka.

20 March 2019 oo ay dhinacyada Siyaasadda Soomaalidu ku balansanayeen shir magaalada Garoowe, ayaa baaqday markii ay ka cududaaratay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana xiligaas wixii ka dambeeyey muuqday in aan waxba laga fulin wada hadaladii Garoowe ka dhacay 28 Jan oo dhexmaray Dawladda Faderaalka iyo dawlad gobaleedyada.

6 Comments

  1. yaa nairobi ku martiqaday?? madaxda mamulgobaledyada somalida??.muxuse kenya? kol hadey muqdisho tagayan maxay keni karta shirka nairobi?.

  2. Waa fashil kuyimd madaxwayne farmajo away shirkii uu kubaaqay ee garowe balan maleh laakiin waxaan maqlay raiysulwasaraha baa diiday shirkaas harper carvery taca

  3. Waa fashil kuyimd madaxwayne farmajo away shirkii uu kubaaqay ee garowe balan maleh laakiin waxaan maqlay raiysulwasaraha baa diiday shirkaas ceebeey tacaal

Leave a Reply

Your email address will not be published.