XOG-Dhaawacyo La Soo Gaarsiiyey Cisbitalka Guud ee Garoowe Kadib Markii..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Cisbitalka guud ee magaalada Garoowe ayaa waxaa weli lagu dabiibayaa qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay deegaamo hoosyimaada degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal.

Gudoomiyaha deegaanka Dalsan ee gobolka Nugaal Siciid Maxamed Siciid ayaa sheegay in gaariga shilka galay uu siday 5 ruux  oo ka kooban 4 qof oo walaalo ah iyo hooyadood oo ay ka keeneen degmada Carmo ee gobolka Bari, halkaasoo lagu soo kabay, kadib markii ay jabtay.

Qoyskan ayaa shilka galay, xilli ay ku socdeen magaalada Garoowe, kadib markii uu laamiga kala baxay gaari nooca raaxada ah oo ay wateen, waxaana halkaasi ku dhaawacmay  hooyadii carruurta dhashay iyo hal gabar, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Dalsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.