XOG-Madaxweynaha Puntland oo Magacaabaya Taliye Caan Ka ah Puntland & Booskii Siciid Dheere oo Lagu..

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Denni ayaa looga fadhiyaa magacaabista taliska ugu sareeya ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo dhowaan warqadda iscasilaadda u gudbiyey xafiiskiisa.

Inkastoo ay muddo dheer ka soo wareegatey waqtigii uu xilka banneeyey taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri haddana wararku waxa ay sheegayaan in todobaadyada soo socda la magacaabi doono.

Ilo xogagaal ah ayaa Puntlandnews u xaqiijiyey in madaxweyne Denni uu taliyaha guud ee ciidanka u magacaabi doono General Tuuta-weyn oo siweyn looga yaqaan deegaamada Puntland xilal kala duwanna ka soo qabtay ciidamada qalabka sida.

Puntland ayaa dagaalo kula jirta ciidanka Somaliland ee ku sugan deegaamada Tukaraq iyo Yubbe ee ka kala tirsan gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ay sidoo kale ciidanku buuraleeyda gobolka Bari kula diriraan Daacish iyo Alshabaab.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.