XOG-Madaxweyne Denni iyo Guddoomiye Dhoobo oo Puntland Kawada Maqan iyo Xogaha Safaradooda Dubai iyo Ankara.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni iyo guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa dalka kawada maqan.

Madaxweyne Denni ayaa muddo labo asbuuc ku dhow ku maqan magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halka gudoomiye Dhoobo uu maalinimadii shalay ahayd safar ugu ambabaxay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Siciid Cabdullaahi Denni ayaa iyo waftiga uu horkacayo ayaa maalmihii ugu dambeeyey Dubai kula kula lahaa madaxda dalka Imaaraadka iyo ganacsato Carbeed oo uu kala xaajoonayey maalgashiga Puntland.

Dhinaca kalena, guddoomiyaha barlamaanka Puntland ayaa lafilayaa inuu kulamo la soo qaato madaxda ugu saraysa dalka Turkiga, guddoonka barlamaanka iyo dhinacyo kale oo danaynaya arrimaha Puntland.

Turkiga iyo Imaaraadka ayaa siweyn ugu loolama siyaasadda Soomaaliya waxaana xusid mudan in dalka Turkigu uu garwadeen ka yahay wada xaajoodyada Muqdisho iyo Hargaysa lagana yaabo inuu guddoomiye Dhoobo kala hadlo arrimo quseeya deegaamada lagu murmo marar ka badan ee uu qudhiisu ka soo jeedo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.