DAAWO-Ciidamo Garoowe Lagu Diyaariyey iyo Taliska Ciidanka Puntland oo Hanjabaad u Diray…

Puntlandnews.net (Garoowe)-Taliska ciidanka dowladda Puntland oo warbaahinta dowladda Puntland la hadlay ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku wajahan ammaanka magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Taliska ciidanka ayaa soo bandhigay ciidamo loo diyaariyey ammaanka guud ee magaalada Garoowe, dad raashin xaaraan ah karinayey bisha Ramadaan oo la soo qabtay iyo kuwa ku howlanaa falal ammaanka liddi ku ah.

Taliyaha qaybta booliska ahna taliyaha ciidamada ammaanka PSF ee gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo warbaahinta dowlada la hadlayey ayaa ku dhawaaqay awaamiir cusub oo ku socota shacabka gobolka Nugaal gaar ahaan Garoowe.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Waxa uu ciidanka ammaanka ku amray inay gacanta ku soo dhigaan cidkasta oo aan kamid ahayn ciidanka ammaanka isla markaana shaqo la’aan hub la dhexmarta magaalada Garoowe, dadka haysta hubka sharci darrada ah iyo gaadiidka beersoolka ah.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.