DAAWO-Diyaar Garaw Ka Socda Sool, Muuse Biixi oo Bannaystay Xarigga X Dhakool, Diyaar Garawga 18 May iyo PL oo Heegan Gashay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Kulanti wanaagsan ku soo dhowaada wararkii ugu dambeeyey ee aanu idiinka hayno deegaamada Puntland iyo Somaliland gaar ahaan diyaar garawga xuska 18 May oo Somaliland sanadkaan wacdaro ka dhigi doonto.

Madaxtooyada Somaliland oo xalaalaysatay xariga xildhibaan Dhakool oo dhowaan ciidanka maamulkaasi ay u taxaabeen xabsiga Somaliland, waxaana xusid mudan in golaha wakiilada iyo maxkamadda Maroodi Jeex ay ka horyimaadeen xarigiisa.

Puntland oo wacdaro horleh ka bilowday gobolka Sool isla markaana digniin culus kaga dhawaaqday duleedka degmada Tukaraq ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa dowladda Puntland.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Gudaha magaalada Hargaysa iyo deegaamada kale ee Somaliland waxaa ka taagan cabsi xoogan oo ku aadan xirashada dharka buluugga ah ee shabaha calanka Soomaaliya kadib markii shalay la xiray wiil dhar buluugan xiran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.