DAAWO-General Muxuyadiin Axmed Muuse oo Hanjabaad u Diray Somaliland Runtana u Sheegay Reer Sanaag.

Puntlandnews.net (Badhan)-Taliyaha guud ee ciidanka ammanka Puntland Sarreeye gaas Muxuyadiin Axmed Muuse oo ku sugan magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ayaa fariin u diray shacabka kunool deegaamada xuduudka ah iyo guud ahaanba reer Sanaag.

Taliye Muxuyadiin ayaa sheegay in dowladda Puntland ay ka go’antahay marwalba ay u taagan tahay sidii ay u difaaci lahayd shacabkeeda iyo dhulkeeda, marwalbana ay ka qayb qaadan doonaan sidii loo ilaalin lahaa midnimada shacabka.

Waxa uu ugu baaqay shacabka Sanaag inay gacmaha isqabsadaan una diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen difaaca dhulkooda iyo inay iska wareejiyaan cadawga duulaanka qaawan ku soo qaaday oo uu ula jeedey Somaliland.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.