DAAWO-Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Puntland oo Guul Ku Soo Dhammaaday iyo Wasaaradda oo Ka Hadashay.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Guud ahaan deegaamada Puntland waxaa maanta ku soo dhammaaday imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo ay u fadhiyeen ku dhowaad 16,000 oo arday isuguna jirey fasalada 8aad iyo 12aad ee dugsiyada dhexe iyo sare.

Kadib markii uu Talaadadii hore soo dhammaaday imtixaankii fasalka 8aad waxaa maanta si rasmi ah wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland ay u shaacisay inuu guul ku soo dhamamaday isla markaana aysan jirin wax caqabad ah oo hor joogsatey.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO SHIRKA JARAA’ID

Madaxda wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo warbaahinta kula hadlay xarunta wasaaradda ee Garoowe ayaa hambalayo u diray ardayda waxaana ay mahadnaq u jeediyeen ardayda, waalidiinta iyo laamihii dowladda ee ka qayb qaatay qabsoomidda imtixaanka.

DAAWO MUUQAAL

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.