DAAWO-Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Socdaal Kumaraya Garoowe Ilaa Galkacyo.

Puntlandnews.net (Garoowe)-Dr Siciid Cabdullaahi Denni madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafti uu horkacayo ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo waftigiisa oo ku sii jeeda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa safar dhulka ah ku sii mari doona degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya magaalooyinka Garoowe iyo Galkacyo.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Waa socdaalkii ugu horeeyey ee madaxweyne Denni uu ugu kicitimo gobolka Mudug tan iyo markii barlamaanku ay 8 January 2019 u doorteen madaxweynaha Puntland hogaamin doona shanta sano ee soo socota.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.